Friday, May 17, 2024

Farriinta Farmaajo 14 Oktobar: “Dadkii dhintay, waxay mudnaayeen nolol qurux badan, balse..”

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay sanadguuradii 4-aad ee qarixii Soope oo boqolaalka qof ay ku dhinteen.

Farmaajo ayaa farriin uu soo saaray ku sheegay farriintiisa Xuska Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017- in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu waayeay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalka, sida uu yiri.

“Waxay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan” ayuu farriintiisa ku yiri Farmaajo.

Ad

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan baaritaanka qaraxaasi iyo tallaabo laga qaaday kooxdii geysatay, xilli ay weli sii socdaan qaraxyada iyo falalka dilka ee Alshabaab ka wado caasimadda waqtigan oo muddo xileedkiisu dhammaay muddo 7 bilood ahna uu xilka ku joogo doorasho la’aan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON