Saturday, January 25, 2025

Dhalashada Bisha Soonfur oo caawa laga raadinayo Sacuudiga iyo Saadaasha Ciidul Fitriga

Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhammaan dadka ku nool dalkaasi ka codsatay inay maqribta caawa raadiyaan bishii Shawaal (Soonfur), kuna wargeliyaan Maxkamadaha ugu dhow.

Ramadaanka Sanadkan 1445 (2024) ayaa maanta oo Isniin ah ku beegan 29, waxaana caadiyaan suuragal ah inay dhalato Bisha Soonfur, taasoo ka dhigan in Talaadadda Berri oo ku beegan 9-ka April 2024 ay noqon doonto maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Inta badan dalalka Islaamka ayuu Ramadaanku u bilowday 11-kii Maarso 2024, waxaana la saadaalinayaa inaan la arki karin caawa Bishii Shawaal. Sacuudiga ayaa laga diyaar garoobay iyadoo la xiray dhammana qalabkii lagu eegi lahaa bisha.

Ad

Sida ay sheegeen Culimada Fiisikis-ka iyo Cilmiga Xiddigaha dhammaan dunida islaamka suuragal maaha in laga karo Bisha, taasoo ay ugu wacan tahay inay dhaceyso ka hor qorac dhaca ama la xiriirsaneyso, isla markaana aanay jirin Bil la raadiyo.

Waxay Culimadaasi caddeeyeen in hadii Aragti lagu furayo Ramadaanka ay sida saxda ah Bisha dhalan doonto Talaadadda oo si caadi ah dadku u arki doonaan Maqribta maalinta Talaadada kadib, Arbacadana ay bilaaban doonto Ciidul Fitriga.

Waxaa yar Ramadaanka ku dhammaada 30 maalmood, iyadoo inta badan Sacuudiga iyo dalalka kale ay Bisha Ramadaan ugu dhammaato 29, waxaana la arki doonaa go’aanka Maxkamadda Sare ee Sacuudiga waxa uu noqdo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON