Maxkamada Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay kiiskii Dacwadda ee loo heystay eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo eedeeysan inuu si ula kac ah nolosha ugu gubay xaaskiisa Marxuumad Luul Cabdicasiis aakhirkii Bishii Janaayo 2024.
Fadhigii maanta ee Maxkamada ayaa lagu dhageysatay Difaaca qareennada eedeysanaha oo jeediyay Dood adag oo ku saabsan inuusan eedeysane Sayid Cali dilka xaaskiisa geysan, isla markaana waxayba shaki geliyeen inay Marxuumad Luul u geeriyootay sababtii Dabka jirkeeda gubay 90%.
Maxkamada Rafcaanka ayaa u yeertay Dhaqaatiirtii la tacaashay Marxuumadda inta ay ku jirtay Isbitaalka Rajab Dayib Ordogan (Ex. Digfeer) oo faahfaahiyay Xaaladii Marxuumad Luul C/casiis iyo xaaladeeda caafimaad.
Eedeysanaha ayaa maxkamadda ka codsaday inaan caddeyn la’aan lagu xukumin Dil, ama la keeno cid ku caddeysa denbiga, wuxuuna ku dooday inuusan isagu gubin xaaskiisa oo si mala awaal ah loogu eedeeyay.
Xeer-ilaaliye Yaxye Maxamuud Saciid oo Dacwaddaan ku metalayey Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ka codsaday in Eedeysane Sayid-Cali ku xukunto DILL-TOOGASHO oo ah qisaastii Marxuumad Luul C/casiis
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa soo xiray fadhigii Maxkamadda, wuxuuna shaaciyay inuu dhammaaday dhageyska Kiiskan, ayna soo muddeyn doonaan xilliga lagu dhawaaqayo Xukunka.
Qoyska iyo Qareenada eedeysane Sayid Cali ayaa qorsheynaya inay rafcaan kale u qaataan Maxkamadda Sare haddii ay dhacdo in Maxkamadda Rafcaanka ay Dil toogasho ah ku xukunto, taasoo kiiskan ka dhigeysa mid jiitami doona muddo dheer.