Saturday, March 22, 2025

Taliyihii Ciidamada Cirka Kenya iyo Saraakiil Sare oo ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Taliyihii ciidmada Cirka dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday kadib markii ay burburtay Diyaarad Helikobatar ah oo uu saarnaa gudaha Kenya.

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa caawa ku dhawaaqay inuu geeriyooday taliyihii ciidamada difaaca cirka Kenya Francis Ogolla oo ku dhintay shil diyaaradeed oo Galabta ka dhacay degaanka Sindar, ee Gobolka Marakwet.

“Waxaan aad uga xumahay in aan ku dhawaaqo inuu geeriyooday General Francis Omondi Ogolla, oo ahaa taliyihii ciidamada Difaaca cirka Kenya” ayuu yiri oo
shir isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka (NSC), kadib markii ay burburtay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Difaaca Kenya (KDF).

Ad

Waxaa kaloo shilka diyaaradeed ku dhintay 9 sarkaal oo kale, halka ay ku dhaawacmeen laba sarkaal. Kenya ayaa looga dhawaaqay Baroordiiqda geerida taliyah ciidamada cirka saraakiisha kale iyadoo muddo 3 maalmood ah loo murugoonayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON