Madax hore, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa ka hor yimid howlgalka ay Hay’adda NISA ku qaaday xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuna xirxirtay qaar ka mida shaqaalaheeda.
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabk ayaa eedeyn culus u jeediyay Hay’adda NISA iyo agaasimaheeda, iyagoo sheegay inuu dagaal kula jiro Shirkadda ugu weyn ee ganacsiga dalka, ayna ka diyaarin doonaan Mooshin loogu yeerayo.
Cambaareynta falalka ay Hay’adda NISA kula kacday Shirkadda Hormuud waxaa kusoo biiray siyaasiyiin iyo madax hore, waxaana walaac ka muujiyay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo qoraal uu soo saaray ku yiri:
“Waxaan ka xumahay falalka ay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku ku xirtay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom. Waa arrin ugub ku ah Dowladnimada Soomaaliya in ay hay’ad dowli ahi weerar toos ah iyo mid warbaahineed ku qaaddo Shirkad Soomaaliyeed, magaca Dowladdana lagu dhibaateeyo shirkad canshuur-bixiye ah, oo Hay’adda Nabadsugidda iyo dowladdaba waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta amnigeeda”.
Xasan wuxuu sheegay inay shirkadda Hormuud tahay shirkad iyo hanti Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Dalka, iyadoo dhhibaatada soo gaarta Hormuud ay wax u dhimaysaa dhaqaalaha dalka.
“Waxaan sidaas daraadeed ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo furo xarumaha Shirkadda, Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadduna u wada shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda Dalka, oo ay ku dheehan tahay xilkasnimo, hufnaan, daacadnimo, iyo biseyl dowladnimo”. ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, ay dhaawac ku tahay sumcadda dhaqaale ee dalka.
“Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door weyn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horumarka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowladda”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.