Sunday, February 16, 2025

Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan ku adkeystay inuu ka qeyb galayo shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis ababa xilli xiisad diblomaasiyadeed oo weyn ka dhaxeyso Somaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiska Bad raadiska ah ee Abiy Ahmed la galay Somaliland.

Tegista madaxweynaha ee Addis ababa waxaa dhaliilay siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku dooday inaysan xilligan munaasib ahayn, iyadoo taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Farmaajo ay dhinac kale u fasireen oo ah inuu kulan dhex mari doono Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka degay Addis ababa, ka dhaqaaqay hab-maamuuskii loo sameeyay intii ay socotay Astaanka Qaranka Itoobiya, sida uu muujiyay muuqaal laga soo qaaday soo dhoweyntiisa oo dowladda Itoobiya ay u dirtay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shido.

Ad

Arrinta ugu weyn waxay noqotay markii Furitaankii shirka Madaxda Midowga Afrika soo dhowaaday inay isku dhaceen ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya iyo ciidamada iyo saraakiisha Itoobiya ee Amniga.

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha DIbadda Cali Cumar Balcad wuxuu caddeeyay in arrintu ka bilaabatay markii ciidamada Amniga Itoobiya oo rabay inay Gaariga la raacaan Madaxweyne Xasan Sheekh ay diideen, kadibna la is mari waayey.

Xaalada cakiran oo muddo socotay, waxaa soo dhex galay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Madaxweynaha Soomaaliya ku qanciyay inay Gaarigiisa wada raacaan oo ilaalada Safaaradda Jabuuti watay.

- Advertisement -

Arrin kale oo labada madaxweyne qabsatay wuxuu Wasiir Balcad ku sheegay inaan loo xirin wadadda sida caadiyan loo sameeyo madaxda, ayna jidka kula kulmeen Jaam iyo Ciriiri badan ilaa markii dambe ay tageen xarunta Midowga Afrika.

Shirkii jaraa’id ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabtay Magaalada Addis ababa intii aanu kasoo duuin shalay galab wuxuu intaas kusii daray in isaga iyo madaxweynaha Jabuuti ay ciidamada Itoobiya ka hor istaageen inay galaan Hoolka Shirka Midowga Afrika, isagoo Itoobiya ku eedeeyay xushmad darro iyo inay rabto qaadashada dhul Soomaaliyeed.

Jawaabta dowladda Itoobiya waxaa bixiyay afhayeenka Ra’iisal wasaaraha dalkaasi oo sheegay inaysan jirin hor istaag lagu sameeyay Madaxweynaha Soomailiya, balse arrinnta dhacday ay ahayd inay ilaaladiisa damceen inay hub la galaan Hoolka shirka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay galab uu dib ugu laabtay caasimadda Muqdisho, iyadoo uu shirka ku metalayo Soomaaliya Ra’iisal wasaare ku xigeenka, taasina waxay ahayd qorshe hore u degsanaa, sida uu sheegay Wasiir Cali Balcad oo ku adkeystay inaysan jirin wararka sheegaya inuu madaxweynaha soo gaabiyey safarkiisii.

- Advertisement -

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Maqribnimadii shaacisay shir jaraa’id oo madaxweynaha ku faafaahinayo wixii ka dhacay Addis ababa, balse saacado kadib waxaa saxaafadda hor yimid Afhayeenka Madaxweynaha C/qaadir Dige.

Siyaasiiinta iyo kooxaha ku kacsan Madaxweyne Xasan Sheekh waxay isku khilaafeen sida fasirayo wixii Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabsaday Addis ababa, waxayna u kala baxeen saddex koox.

1- Koox garab istaagtay Madaxweyne Xasan Sheekh oo geesinimo ku tilmaamay in madaxweynuhu tago Addis oo shirkii Midowga Afrika khudbad ka jeediyo, si adagna ugu canbaareeyo Itoobiya iyo heshiiska ay la gashay gobol ka mida Soomaaliya.

2- Koox labaad oo tallaabada Madaxweynaha u aragtay in laga haboonaa oo markii horeba khaldanaa go’aanka Xasan Sheekh ku tegay Addis ababa, kooxdan waa mucaaradka macquulka ah si adag u dhaliilsan Madaxweynaha, balse si miisaan leh arargtidooda u muujiya.

3- Kooxda Saddexaad; waxay si weyn ugu dhegan yihiin Madaxweynaha, markii uu ku adkeysday inuu tegayo Addis ababa, waxay faafiyeen in cadaadis lagu saaray tegista Itoobiya, isla markaana uu kulan la yeelan doono Abiy Ahmed. Markii arrintaas fashilantay waxay haddana u bedeleen in Madaxweyne Xasan Sheekh lagu bah-dilay Addis ababa, iyagoo ceebeyn iyo cambaareyn kala dul dhacay.

Isku soo duub wixii Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabsaday Addis ababa, waxay ahaayeen natiijo laga filan karay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed mase cadde in Madaxweynaha iyo inta u dhow ay u diyaarsanaayeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON