Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab.
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Danab oo leexsaday qeybo kamid ah raashinkii loogu talagalay ciidankaasi, iyadoo ay socoto baaritaanka iyo xaqiijinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.
“Dowladda Soomaaliya oo la tashi dhow la sameysay Mareykanka waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda bixinta raashina Danab, waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto mas’uuliyadda taakuleynta ciidanka Danab”.” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga
Wasaaradda Gaashaandhigga ma sheegin saraakiisha loo xiray Musuqmaasuqa leexsiga saadka ciidamada Danab iyo darajadooda, sidoo kale faahfaahin dheeraad ah lagama bixin arrintan oo keentay inay dowladda Mareykanka joojiso Saadkii ay siin jirtay ciidamada Danab.
Wararka ayaa sheegaya in arrintan magaalada Nairobi ay u tageen Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, wasiir ku xigeenka Wasaaradad Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale, si xal loogu helo, balse Mareykanka uu ku adkeystay in baaritaan iyo natiijo cad laga keeno sida wax u dhaceen.
Fadeexadan cusub ayaa saameyn weyn ku yeelan doonto taageeradii Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya; iyadoo sanadkii 2017 uu sidan oo kale Mareykanka joojisay mushaarkii ciidamada Danab, taasoo waqti dheer qaadatay in dib loo soo celiyo.