Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka bedelak Dastuurka ayaa waxaa soo baxaya dadaaladii ugu danbeeyay ee dhinacyada iska horjeeda.
Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu kusii jeeda magaalada Garoowe, halkaasoo ay kulamo wadatashi ah uu kula yeelan doono Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Sidoo kale Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay isna la sheegay inuu tegayo Magaaada Garoowe. Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa iska kaashanaya fashilinta qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka bedelka Dastuurka oo la filayo in toddobaadka soo socda la ansixiyo qeybta ugu muhiimsan.
Isbaheysiga cusub ee Mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore iyo Siciid Deni ayaa magaalada Garowe kulankoodii ugu horeeyay ku yeelan doona ayaan la ogeyn sida ay u wada shaqeyn doonaan, iyadoo Siciid Deni u ahaa mucaaradkii ugu weynaa ee dowladii Farmaajo.