Turkiga ayaa sanadka danbe ee 2025-ka Soomaaliya ka bilaabeysa Shidaal iyo Gaas qodista xirmooyin ku yaala Badda iyo xeebaha Soomaaliya.
Arrintan waxaa shaaciyay wasiirka tamarta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo wareysi siiyay telefishinka NTV, kadib heshiis ay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen.
Heshiiska Shidaal Qodista ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa dhacay bishii hore, kaasoo ku saabsan iskaashiga Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya, wuxuuna ka smid ahaa heshiis difaac iyo horumarin oo Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ganacsiga laba Soomaaliya la leedahay Turkiga ayaa sii kordahaya isagoo ahaa $187.3 milyan sanadka 2018, halka $250.85 milyan uu ahaa sanadka 2019.
Wadarta qiimaha maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya ayaa gaaray 100 milyan oo doolar, halka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo dekedda Muqdisho ay labaduba maamulaan shirkado Turki ah oo Soomaaliya ku sugan.