Tuesday, May 20, 2025

Xujeydii ugu horeysay sanadkan oo gaaray magaalada Medina iyo Qiimaha Xajka oo..

Dufcadii ugu horeysay Soomaalida sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa xalay gaaray Magaalada barakeysan ee Medina, iyadoo sanadkan ay Soomaaliya ka xajin doonaan 11,500 Xaaji.

Xajka sanadkan ayaa la bilaabay xilli hore, sida ay dalbatay Wasaaradda Xajka ee Sacuudiga, waxaana qof kasta oo xaaji ah sanadkan laga qaaday lacag gaareysa $ 4435,

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in labadii sano ee uu xilka hayey uu ku dadaalay inaan sare loo qaadin qiimaha lagu xajiyo, ayna ugu yimaadeen lacag dhan $ 5230.

Ad

Wasiirka ayaa u digay qeyno ka mida dadka xajinaya oo ku kaca falal aysan ogoleyn Boqortooyada Sacuudiga, sida dadka ay faraha ka yaallaan Sacuudiga, in lacag ama dahab badan la qaato iwm.

Wasiir Roobow ayaa dadka dhaliila maamulka Xajka ugu baaqay inay Xajka ka eegaan dhinacyada wanaagsan, isagoo sheegay in sanadkii hore la kulmeen dad u duceynaya, kuwa habaaraya iyo qaar kale oo caaytamaya.

Dhinaca kale Wasaaradda Diinta Somaliya ayaa sheegtay in sanadkan 85% Xujeyda Soomaaliyeed ay ka degi doonaan Magaalada Medina, taasoo aan hore u dhicin, isla markaana uu xaaji kasta heysto dokumentiyadii safarka oo dhammeystiran.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON