Taliska ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa shaaciyay laba duqeyn oo lagu qaaday maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo ku sugneyd Gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe.
Weerarradan cirka ah ayaa mid ka mida waxa uu ka dhacay degaanka Baraag Sheekh Caamir ee degmada Mesagowaa, kaasoo la sheegay in lagu dilay 5 ka mida Alshabaab, markii la duqeeyay xarun ay Alshabaab ku lahaayeen halkaasi.
Weerarka labaad ayaa lagu duqeeyay Gaari Cabdi-Bille ah iyo Gaari kale oo Booyad ah, kuwaas oo ay wateen maleeshiyada Alshabaab, iyadoo lagu dilay afar maleeshiyo xilli marayeen degaanka Cali Heelle ee xuduudka Sh/Dhexe iyo Galgaduud.
Dhinac kale dowladda Federaalka ayaa ciidamo fara badan oo ka tirsan Danab u dirtay Gobolka Galgaduud, gaar agaan Aagga Mesagowaay, waxayna wararku sheegayaan in howlgal dagaal uu halkaasi ka bilaaban doono.