Wednesday, February 19, 2025

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Qodobka Culus ee ay isku hayaan Madaxda

Madaxda Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka ayaa goor dhoweyd ka furmay xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona Muddo laba maalmood ah ayaa waxaa horyaalla qoddobo culus oo uu ugu muhiimsan yihiin Doorashada dowlad Goboleedyada iyo Federaalka oo dib u dhac ku yimid heshiiskii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u ololeynaya doorasho qof iyo cod ah, balse wuxuu wajahayaa caqabad cusub oo ah in madaxda dowlad gobaleedyada ay doonayaan inay qabsadaan doorasho Dad-ban si gaara uga dhacda maamuladooda si mar kale ay u soo laabtaan.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda dowlad Goboleedyada oo intooda badan waqtiyadooda gabaabsi yihiin ay dhinaca kale gorgortan kula gelayaan Madaxweyne Xasan Sheekh muddo kororsi ay isku mar u wada dareeraan Doorashada 2026-ka.

Xukuumadda Somaliya ayaa shaacisay in shirka looga hadli dono dhameystirka dastuurka iyo gaarista siyaasad xasiloon, sidoo kalena ay ajendayaashiisa ka mid yihiin dardar-gelinta dagaalka Ashabaab.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ajendayaasha shirka kusoo koobtay xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka.

- Advertisement -

Shirkan ayaa dib u dhacay bishii hore ee April, markii qaar ka mida madaxda dowlad Goboleedyada ka cudurdaareen, waxaana Muqdisho soo gaaray Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo oo la filayo inuu goobjoog ka noqdo shirka.

Bishii May ee sanadkii 2023 ayay Madashan oo uu ka maqan yahay Madaxweynaha Puntland soo saareen heshiis ku saabsan inay Doorasho qof iyo cod oo heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ay dhici doonto bisha June ee sanadkan 2024, taasoo hadda u muuqata mid aan suuragal ahayn.

Madaxda afarta dowlad goboleed Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa la hadal hayaa inay doonayaan in shirka berri furmaya inay ka helaan muddo kororsi, taasoo ku jaango’an muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON