Thursday, May 2, 2024

Dagaal ka dhashay Garsoore la diidan yahay oo ka socda magaalada Beirut (Akhriso: Yaa ku dagaalamaya..?)

Dagaal ka dhashay bannaanbax ay dhigayeen taageerayaasha ururka Xisbulaah iyo Dhaqdhaqaaqa Amal ayaa ka socda caasimada dalka Lubnaan ee Beirut.

In ka badan 5 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, markii bannaanbaxayaasha ay rasaas kala kulmeen kooxda kale ee Xisbiga Ciidamada loo yaqaan, waxayna taasi dhalisay inuu dagaal culus ka dhex qarxo labada dhinac.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii kooxda Xisbullah ay dalbadeen in xilka laga qaado Garsooraha baarayay qaraxii sannadkii hore ka dhacay dekedda magaalada Daariq Bitar, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu wado Qorshe Mareykanku ka danbeeyo oo lagu beegsanayo kooxdooda.

Ad

Toogashadu aaay ka bilaabatay xaafadda Masiixiyiinta ee Ain el-Remmaneh ka hor inta aysan ku dhex milmin rasaas la is weydaarsaday, waxaana sii xoogeystay iska hor imaadka labada dhinac, iyadoo si toos ah loo arkayey dagaalyahanno dagaalamaya oo isu adeegsanaya hubka fudud iyo Qoriga Baasuukaha gudaha daaraha waaweyn ee jidka kala qeybiya.

Ciidanka Lubnaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in rasaasta lala beegsaday dad mudaaharaadayay markii ay marayeen goob gaadiidka ah oo ku taal aagga kala qaybiya xaafadaha laba dhinac ee Shiicada iyo Masiixiyiinta.

Ra’iisul wasaare Najib Mikati ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, waxaana shir degdeg la isugu yeeray Golaha Amniga Dowladda dalkaasi si ay xaaladda uga shiraan.

- Advertisement -

Ciidamada dalka Lubnaan ayaa la geeyay Aagga dagaalka ka socay, waxayna isku dayayeeen inay kala dhex galaan labada dhinac, waxayna sheegeen in ay rasaas ku furi doonaan qof kasta oo hubaysan oo waddada maraya.

Waxaa weli socda rasaasta ka dhaceysa xaafadaha magaalada ee ay isaga horjeedaan dagaalamayaasha Xisbullah iyo kuwa ka horjeeda ee Xisbiga ciidamada Lubnaan, waxaana laga qaxayaa goobaha ay rasaastu samaeysay.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay baaritaanka qaraxii dekedda Beirut, iyadoo Xisbullah ay hoggaaminayaan baaqyada ah in xilka laga qaado garsoore Bitar, halka ay taageersan yihiin xisbiga Masiixiyiinta.

Civilians flee after gunfire erupted in Beirut
Garsooraha Dariq Bitar – oo dhaliyey dagaalka ka socda magaalada Beirut
من موقع الاشتباكات في بيروت (رويترز)
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON