Waxaa sii xumaaneysa xiisadda ka dhex taagan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo Shirkadda ugu weyn Isgaarsiinta Soomaaliya ee Hormuud.
Iyadoo Shirkadda ay muddooyinkan dambe ka cabaneysay weerarro qaraxyo lala beegsanayo iyo cadaadis uga imaanaya Hay’adaha NISA iyo tan Isgaarsiinta ayaa waxay maanta soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan weerar lagu qaaday xarumaha shirkadda iyo Bankiga Salaad ee Muqdisho qaarkood.
Shirkadda Hormuud ayaa ku eedeysay ciidamo ka socda hay’adda NISA inay shalay weerar ku qaadeen xarumaha shirkadda ee Tre Biano iyo Xamarweyne, isla markaana ay xireen howlwadeeno ka mida shirkadda, markii ay diideen inay xubnaha ka socda NISA siiyaan xog ku saabsan xisaabaad u furan shaqsiyaad Soomaaliyeed.
Shirkadda Hormuud ayaa ku dooday inaysan sharci ahayn in xogta macaamiisha ay la wadaagto Hay’adda NISA, waxayna weerarka ay Hay’adda NISA ku qaaday xarumaheeda iyo xariga qaar ka mida shaqaalaheeda ku tilmaantay cabsi gelin iyo caburin Hay’adda NISA kula kaceyso shirkadda Hormuud iyo shaqaalaheeda.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in xiisada labada dhinac kasoo bilaabatay lacago laga dalbaday shirkadda, kadibna loolan ganacsi oo lagu furay, iyadoo ay dhaceen falal qaraxyo oo lagu beegsaday shirkadda.
Ma cadda arrimaha keenay inay kasii darto xiisadda u dhaxeysa labda dhinac xilli madaxda sare ee dowladda ay arrintan soo farageliyeen, waxaana muuqata in Agaasimaha NISA Mahad Salaad arrintan ku lug leeyahay, inkastoo arrintu kasoo bilaabtay Guddoomiyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka.