Thursday, October 10, 2024

Yuhuudda oo weerartay Dalka Iran iyo Warar is khilaafsan oo kasoo baxaya..

Israa’iil ayaa Saaka waaberigii weerar ku qaaday Bartamaha dalka Iran, sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka iyo Yuhuudda, waxaana jira warar is khilaafsan oo kasoo baxaya weerarkan.

Xukuumadda Israa’il ayaa wax War ah kasoo saarin weerarka ka dhacay Iran, balse Wakaalada wararka rasniga ah ee Iran ayaa shaacisay in qaraxyo laga maqlay Gobolka Isfahan ee bartamaha Iran.

Qaraxyadaasi yay Iran sheegtay inay ahaayeen gantaalaha ciidamada Cirka oo ka hortegay saddex Diyaaradood oo kuwa Drone-ka ah, kuwaas oo lasoo riday, isla markaana aysan jirin wax qasaare ah oo ay geysteen.

Ad

Waxaa jira warar sheegaya in Israa’iil ay adeegsatay Gantaallo, balse waxaa beeniyay Iran oo sheegtay inay howlgelisay dhammaan Habka nidaamka difaaca cirka oo aysan jirin wax Gantaallo ah oo lagu soo weerarray.

Israa’iil ayaa hore u sheegtay inay ka jawaabi doonto weerarkii weynaa ee Iran ku qaaday gudaha Israa’iil, kaasoo isna jawaab u ahaa duqeyntii Israa’iil ku qaaday Qunsuliyadda Iran magaalada Dimishiq ee dalka Syria.

Iran ayaa ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa’iil uga yimaada ay ka bixin doonto jawaab degdeg ah oo aad u weyn, taasoo keentay in Mareykanka uu cadaadis ku saaro Yuhuudda inaysan jawaabteedu noqon mid halis keenta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON