Sunday, December 8, 2024

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa go’aanadii Madasha Qaran ee lagu daray wax-ka badelka Dastuurka.

Kadib marki lasoo gabagabeeyay doodihii xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ka yeesheen 4-ta cutub ee ugu horeeya Dastuurka, lana soo ururiyey aragtidii qodobadda xasaasig ah, ayaa la sheegay inay soo baxeen arrimaha soo socda;

1- Waxay xildhibaannada u bateen inay diideen qaadashada Nidaamka dowladda ee Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen. Qaar badan waxay soo jeediyeen in Madaxweynaha la siiyo awood uu ku eryi karo Ra’iisal wasaaraha.

Ad

2- Xildhibaannada labada Aqal intooda badan waxay soo jeediyeen in tirada xisbiyada dalka ay noqdaan 3 iyo wixii ka badan ama xisbiyo badan lagu soo kala saaro sidii ay xisbi qaran u noqon lahaayeen.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in cadaadiska ka yimid madaxdii hore, siyaasiyiinta iyo dhinacyo kala duwan kadib ay guddiyadii Dastuurka la wadaageen Madaxweyne Xasan Sheekh natiijadii xildhibaannada, isagoo aqbalay in meelihii loo bato lagu daro Nuqulka loo codeynayo.

Xasan Sheekh ayaa aqbalay in tirada xisbiyada la badiyo iyo in meesha laga saaro qaab dhismeedkiis dowladda ee Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen oo ahaa laba Qodob oo ay si weyn u dhaliileen Mucaaradka.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxa Nuqulka kama danbeysta ah ee Dastuurka ku jira in Madaxweynaha si toos ah ay dadku u soo dooranayaan, sida xildhibaannada, arrintan oo ah qodobka kaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh hadda ku tiirsan yahay, kaasoo hoos u dhigaya awoodii xildhibaannada ee doorashada Madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON