Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, isagoo ka qeyb-geli doona shirka Madaxda Suuqa Bariga Afrika.
Shirkan ayaa la filayaa in loo dhawaaqo inay Soomaaliya go’aanka ku saabsan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista Suuqa Bariga Afrika.
Waxaa la filayaa in dalalka Bariga Afrika ay aqbalaan oo ansixiyaan xubinnimada Soomaaliya ee Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxayna Soomaaliya waxay si rasmi ah u noqon doontaa dalka 8-aad ee EAC.
Dowladda Soomaaliya aya dadaal ku bixisay ku biirista Suuqa Dalalka Bariga Afrika, taasoo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha