Soomaaliya waxay heshay 75% xuduudsii Badd ee la isku heystay ayuu yiri Paul Reichler oo ka mid ahaa Qareenada waaweyn ee Soomaaliya u dooday
Paul Reichler oo ka tirsan shirkadda Foley Hoag LLP ee caanka ah, kana mid aha qareenada waaweyn ee Soomaaliya u dooday, kuna metelayey dacwadda Kiiskii Badda ee kala dhaxeeyay Kenya ayaa sheegay in xukunka Maxkamadda ICJ uu ahaa mid aad ugu fiican Soomaaliya.
Qareenkan heer caalami oo si weyn loo qadariyo Paul Reichler ayaa wareysi uu siiyey VOA-da ku caddeeyay in Maxkamadu ay jeexday xad cad oo u dhaxeeya Badda Kenya iyo Soomaaliya, xukunkuna uu yahay kama danbeys aan laga murmi karin.
Wuxuu ka hadlay xariiqa ICJ soo saartay ee ay ku xadeysay xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, ayuu sheegay inuu si aad ah ugu dhow yahay Xariiqii ay Soomaaliya ku doodeysay, ayna aqbashay doodii Soomaaliya, balse ay isbedel ku sameysay xariiqii oo wax yar loo xagliyey si xukunkeeda uu cadaalad u noqdo.
Qaraanka Paul Reichler oo faahfaahiyey sida Kenya iyo Soomaaliya u kala helaan dhul-badeedkii muranku ku jiray, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay 75% ka heshay xuduudkii la isku heystay, halka Kenya ay ka heshay 25%.
Paul Reichler wuxuu yiri: “Waan xisaabinay xariiqa xuduudka badda ee ay maxkamaddu soo saartay. 75% wuxuu raacay Soomaaliya, 25% wuxuu raacayaa Kenya… waxaan waxba kala bedelin xariiqii ay Soomaaliya rabtay ilaa 12 Nautical miles “.
Wixii ka danbeeya 12 Nuetical Mile ilaa 200 NM waxay Soomaaliya heshay 75 % cabirka dhulka badeedka lagu muransanaa. Baddaasi waxay gaareysaa 41,000 KMQ, waxayna Soomaaliya ka heshay ku dhowaad 31,000 KM2 (75%), halka Kenya ay heshay wax inyar ka badan 10,000 km2 (25%)
Wuxuu intaas ku daray badda wixii ka danbeeya 200 Nautical miles ilaa 300 Nautical miles, inuu sidiisa ku soconayo xariiqa cusub ee Maxkamadda, ayna Soomaaliya heleysaa 3/2.
Mar uu ka hadlayay haddii ay jiraan ceelal shidaal lagu ogayahay oo dhinacyada kala raacay ayuu sheegay inaysan Ceel la hubo ee sahan uun uu dhacay oo Kenya iyo Somlia ay sameeyeen, balse hal ceel la qoday aan laga helin wax saliid ah, kaasina uu raacay dhinaca Kenya.
Diidmada Kenya ayuu sheegay inaysan waxba ka bedeli karin xukunka dhacay oo ah kama danbeys, ayna u hoggaansamayaan shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, marka danbena ay Kenya ay ku qasbanaan doonto inay qaadato.
