Tuesday, September 10, 2024

Markabka Dagaal ee Turkiga u diray Soomaaliya oo maanta soo gaaray Dekadda Muqdisho

Waxaa maanta soo gaaray Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada dalka Turkiga, kaasoo qeyb ka ah ilaalada Badda iyo xeebaha Soomaaliya.

Diyaar garow weyn ayaa ka socday dekadda Muqdisho oo martigelineysa Markabkii ugu horeeay ee Dagaal oo Turkiga u soo diray Soomaaliya, iyadoo amni ahaan loo xiray Wadooyinka gala Dekadda magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda Federaalka sida madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu Markabka dagaalka loo qaado, taasoo qeyb ka ah heshiiskii dhaqaalaha iyo Milateriga ee ay dhowaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Ad

Xaflad lagu maamuusayo howsha Ciidamada Badda ee Turkiga ka bilaabayaan Soomaaliya ayaa ka dhici doona Dekadda Muqdisho iyo Markabka Dagaal dushiisa.

Heshiiska ayaa ciidamada Turkiga awood u siinaya inay ilaaliyaan Badda iyo Xeebaha Soomaaliya, iyagoo dhinaca kale tababari doona, dibna u dhisi doona ciidamada Difaaca Badda ee Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON