Sunday, December 8, 2024

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya shaacisay inuu yahay safar shaqo, isla markaana uu la kulmi doono Madaxweynaha kenya Wilam Ruto oo ay ka wadahadli doonaan iskaashiga labada dal ee dagaalka Alshabaab iyo danaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu kulankan qeyb ka yahay waanwaan ay dowladda Kenya ka dhex wado madaxda dalalka Somaliya iyo Itoobiya oo shirar dhowr ah hore uga dhaceen Magaalada Nairobi.

Ad

Dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa dadaal ugu jira in meesha laga saaro khilaafka ka sii daray ee Somaliya iyo Itoobiya, iyadoo dhowaan ay dowladda Somaliya ceyrisay safiirkii Itoobiya ee magaalada Muqdisho, amarna ku bixisay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.

William Ruto oo taageero ka helaya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wada dadaalkii ugu danbeeyay in la yareeyo xiisadda labada dal, ayna kulan fool ka fool ah yeeshaan Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkiisa Kenya kusoo daray qorshe kulan dhex maraya isaga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ka mida siyaasiyiinta ugu waaweyn ee mucaaradka, waxaana arrintan ka shaqeeyay Ganacsato iyo saaxiibo qaraabo la ah labada dhinac oo doonaya in xal hoose loo helo khilaafka Sheekh Shariif kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Labada qorshe ee uu xambaarsan yahay socdaalka Xasan Sheekh ku tegay dalka Kenya ayaan midkoodna la hubin natiijada kasoo bixi karta, iyadoo arrrimaha la isku hayo ay yihiin kuwa culus oo waqti dheeraad ah iyo tanaasul u baahan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON