Monday, May 20, 2024

Yaa ka danbeeya Qarxinta iyo Beegsiga Shaqaalaha iyo Xarumaha Shirkadda Hormuud..?

Waxaa sii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo shaqaalaha iyo xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho.

Qarixii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimashada Lix ka mida shaqaalaha, taasoo ahayd Geerisii ugu badneyd ee soo gaarta shaqaalaha Shirkadda Hormuud, kadib markii Qarax Miino lagu beegsaday degaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay shirkadda ayaa lagu shaaciyay magacyada shaqaalaha qaraxa looga dilay, balse ma bixin faahfaahin dheeraad ah, waxaana aakhirkii sanadkii hore sidoo kale Shaqaalaha Hormuud qarax looga dilay laba shaqaale.

Ad

Shirkadda Hormuud ayaa sanadkii hore jebisay caado ay muddo dheer ku dhaqmeysay oo ah in la qariyo wararka shirkadda iyo dhibaatooyinka soo wajaha, waxayna si toos ah u baahisay weerarrada lagu qaaday iyo falalka lagu beegsanayo.

Waxaa markaas kadib soo baxay khilaaf u dhaxeeya Hay’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud, kadib markii la xiray shaqaale ka tirsan Hormuud iyo Salaam Bank, waxayna xaaladu gaartay in dadka qaar ay NISA ku tuhmaan weerarrada lagu hayo Hormuud, waxaase dhacday in si hoose loo xaliyay khilaafaasi o..

Hay’adda NISA waxay si cad qoraal ay soo saartay ugu sheegtay in xubno ka tirsan Shirkadda Hormuud ay la shaqeeyaan Alshabaab, balse arrinta labada dhinac oo madaxda sare gaartay aya si hoose loo xaliyay iyadoo aan sharciga lagu kala bixin.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa la ogyahay inuu xumaaday Xiriirka Alshabaab iyo Hormuud labadii sano ee ugu danbeeyay. Afhayeenka Alshabaab oo aan soo hadal qaadin Hormuud ayaa ka digay in hantida Soomaaliyeed la iska xayiro ama loo gacan geliyo dowladda Federaalka iyo Ajnabiga ku sugan Xalane isagoo markaas eedeeyay in dad badan laga xayiray lacagahooda iyadoo baaritaan loogu marmarsoonayo.

Waxaa shaki lahayn inay madaxda Hormuud xog fiican ka hayaan cidda beegsiga ku heysa ee qarxineysa shaqaalaheeda iyo xarumaheed, sidoo kale dowladda Federaalka oo mas’uuliyad ka saaran tahay amniga wax natiijo ah kama soo saarin baaristii ay sheegtay inay bilowday dhowr bilood ka hor.

Dad badan ayaa aamisan in Alshabaab ay ka dambeyso qaraxyada lagu hayo Hormuud, sida ku cad war-saxaafadeedka dowladda Somaliya kasoo baxay waxaa lagu eedeeyay inay Alshabaab ka danbeyso.

Waxaa kaloo jirta xaqiiqo ah inuu soo baxay shaki weyn oo ku saabsan jiritaanka awood kale oo arrintan ku lugta leh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON