Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo hadda ah ku-simaha Madaxweynaha ayaa soo saaray wareegto uu shaqadii ka joojiyey4 Wasiir oo qeyb ka ah Gollaha Wasiirrada Hirshabeelle.
Wasiirada uu Dabageed shaqada ka joojiyay ayaa kala ah:-
1. Maxamed Faarax Cali, Wasiirka Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka.
2. Sakariye Khaalid Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha.
3. Raxma Maxamed Guulle, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.
4. Aadan Maxamed Muuse, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Shaqo ka joojinta lagu sameeyay wasiiradan ayuu Yuusuf Dabageed ku eedeeyay xil-guddasho la’aan shaqo oo la xiriirta masuuliyadihii loo igmaday, wuxuuna sheegay inay xilalkooda sii wadi doonaan Wasiiru-Dowlayaasha Wasaarradaha Beeraha, Ganacsiga, Haweenka iyo Warfaafinta.