Thursday, October 10, 2024

Maxaa Hoggaamiyaha Khaatumo looga reebay Shirka Madasha Qaran ee Muqdisho..?

Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Imaanshihiisa Firdhiye ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegantay iyadoo uu isla maanta caasimadda ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Madasha Qaran ee madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, waxaana war lagu qoray barta Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu sheegay inuu ka qeybgalayo Shirka Madasha, balse qoraalka ayaa markii danbe laga saaray.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame oo Laascaanood ka hadlay ayaa sheegay inuu Madaxweynaha SSC-Khaatumo u baxay safar dibadda, isagoo aan soo hadalqaadin shirka Madasha Qaran.

Ad

Waxaa la xaqiiiyey inuusan Hoggaamiyaha Khaatumo ka mid ahayn madaxda lagu casuumay shirka Madasha Wadatashiga, balse socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu dibadda ku aado uu kusoo beegmay.

Dhinaca kale Madaxtooyada Soomaaliya ayaan hoggaamiyaha Khaatumo kusoo darin madaxda ka qeyb galeysa shirka Madasha Wadatashiga oo kala ah: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON