Qeybaha aan u kala saarnay qormooyinka aanu soo diyaarineyno waxay kala yihiin sida soo socota:-
Falanqeyn:
Waxay hoos imaaneysaa xogta iyo raadraacada warka, waana qormo lagu raad-raacayo arrin ka mid ah waxyaabaha jira ee warka ku dhex jira, iyadoo la soo bandhigayo faahfaahin ka xeel-dheer inta dadku ka heystaan arrintaasi ama ka ogyihiin, waxay noqon doontaa in falanqeynta lagu soo bandhigo dhinacyada arrintu quseyso ee jilayaasha ka ah iyo qaababka ay u fekeraan ama ku howlgalaan si akhristaha ama qofka loo sheegayo aad ugu fahmo waxa meesha ku jira, waxayna inta badan falanqeyntu noqon doontaa mid aanay ku jirin ra’yi badan oo diyaariyaha leeyahay.
Faaqidaad
Waa faahfaahin lagu soo bandhigayo dhinacyada ay arrintu quseyso iyo hadba mowduuca laga hadlayo, waxayna macluumaadka ay xambaarsan tahay salka ku hayaan celcelis iyo miisaan lagu sameynayo hadba cidda iyo arrinta la faaqidayo, waxaana ay noqon kartaa fikrad, dhacdo iyo arrin hadba la isku heysto oo iftiimin ka ballaaran inta laga ogyahay laga siinayo cidda ay quseyso, waxaana inta badan loogu talagalaa dadka taladu ka go’do si ay macluumaadkooda ugu darsadaan waxna ku qaataan.
Warbixin
Waa qormo soo bandhigeysa hadba arrinta loo doortay in laga warbixiyo, waxay noqon kartaa dhacdooyinka iyo xaaladaha socda oo dhan, waxayna diyaarinteedu qaadan kartaa muddo iyadoo ah tan ugu ballaaran ee la soo bandhigayo, waxayse ku xirnaan kartaa sida qoruhu u soo xusho ama u soo koobo iyadoo aan macnaheedu waxba laga dhimin, waxaana looga dan leeyahay in arrinta laga hadlayo aan dib dambe loogu laaban oo dhinac waliba laga shaafiyo dadka.
Faallo:
Waa la wada garan karaa waana qormo gaaban oo qore, fikrad dhiibte ama cid kale ku dooneyso inay arrin uga faallooto si la jaan-qaadeysa dareenkeeda iyo aragtideeda gaarka ah ama aragtida hay’ad warbaahineed, waxay kaloo noqon kartaa aragtida Xisbi ama Dowlad, laakiin halkan faallooyinka ka soo muuqanaya waxay salka ku hayaan iftiimin iyo talo ku darsasho danaha guud ee cid waliba gaarka u taabanaya.
Waxaan idiin rajeyneynaa inaad aad uga heli doontaan wax badanna ka faa’iideysan doontaan Warbaahinta meel walba joogga ah oo intii karaankeeda ah isku dayi doonta sidii ay wax uga bedeli lahayd, horumar mihnadeedna ugu soo kordhin lahayd saxaafadda meehanaabeysa ee Soomaalida.