Monday, September 9, 2024

Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

-

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud khudbada uu maanta u jeediyay labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya si guud waxa uu u caddeeyay aragtida Dowladda ee hishiiskii (Is-Afgarad) ee ay kala saxiixdeen Hogaamiyaha waqtigiisu idlaaday ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo RW Itoobiya Aby Ahmed isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay jirin cid bixin karta taako dhuleed oo ay Soomaaliya leedahay hadeey tahay Madax Maamul Goboleed iyo hadeey tahay Madaxda Dowladda Federaalka.

Marka laga soo tago go’aankii xukuumadda ee ay ugu yeertay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Addis Ababa, hishiiska baadilka ah ee shalay dhacay sida uu u saameyn doono xiriirka siyaasiga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya Madaxweynaha ma sheegin iyo tallaabta xigta ee ay dowladdu arinkan ka qaadan doonto.

Madaxweynuhu sooma hadal qaadin kulankii Jabuuti ku dhexmaray isaga Muuse Biixi maalin ka hor hishiiska Addis lagu kala saxiixday inuu ogaa oo lala wadaagay iyo in ay la yaab ku noqotay oo uu ahaa Shirqool iyo raad tirasho Muuse Biixi u gaar aheyd.

Hadal jeedinta maanta waxa ay Madaxweyne Xasan Shiikh u noqon kartay fursad uu bulshada Soomaaliyeed uu ku mideeyo uuna ku tuso daciiftinimada Aby Ahmed iyo caqabadaha ka jira Itoobiyada kala qeybsan dhexdeeda ee uu doonayo inuu indhaha dadkiisa ka weeciyo ,isuguna muujiya inuu yahay halyay.

- Advertisement -

Waxa dhanka kale jira hishiiyo Is-Afgarad oo Xukuumadda FS ay had iyo jeer gasho oo aan la hor keenin Gollaayasha sharci-dajinta. Bisha hadda inaga dhamaatay ee Disember Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya waxa ay kala saxiixdeen Hishiis Is Afgarad kaas oo Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ku sheegaty in lagu xoojinayay iskaashiga difaaca iyo dadaalada wadajirka ah ee kor loogu qaadayo Nabadda iyo Amniga Geeska Afrika.

Waxa Xukuumadda ay horey u ansixisay hishiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta .Hishiiyo kale oo waxa jira ay galeen wasaarado xukuumadda ka tirsan kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed aan laga siin wax macluumaad ah.

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa wax la qariyo qurun baa ku jira ,xalaalna maalin cad baa la quutaa . Hadii uu jiro hishiis ay dan ugu jirto Soomaali banaanka waa in la soo dhigaa ,shacabkuna wuu taageerayaa wixii wanaag ah.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo Caawa lagu weerarray degmooyin ka mida Magaalada Muqdisho

Qaraxyo waaweyn ayaa caawa laga maqlay caasimadda Muqdisho, waxaana la soo weriyay inay ahaayeen Hoobiyayaal lagu weerarray qaar ka mida degmooyinka Muqdisho.Qaraxyada la maqlay...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

Faahfaahin laga helay Duqeymo Cirka ah oo lagu qaaday Saldhigii Alshabaab ee Ruunirgood

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ka badan 19 ka tirsan maleeshiyada Alshabaab in lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada...

Farmaajo oo Digniin soo saaray iyo Mas’uuliyiinta Dowladda si degdega u beeniyay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray uga digay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay Dal shisheeye ay ku wareejiyaan...

Fahad Yaasiin oo si lama filaan ah uga baxay Kooxdii Farmaajo iyo Xisbiga la filayo inuu ku biiro

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo soo noqday agaasimaha Hay’adda NISA iyo la-taliyihii Amniga Qaranka ee dowladii Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si lama filaan ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii Ergaynimo ka xayuubiyay Xildhibaan taageeray Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ergaynimo kala noqday Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley.Xildhibaanka oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha...

Xildhibaanno taageeray Itoobiya oo lagu baaqay in Dacwad lagu soo oogo, lagana xayuubiyo..

Qaar ka mida xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay taageeray joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya, gaar ahaan degaanaada maamulka Koonfur Galbeed.Xildhibaannadan oo isugu jiray...

XOGAHA QARSOON

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

Xog laga helay Diyaaradihii Milateriga Dalka Masar ee ka degay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa saraakiishii ugu horeysay ciidamo ka socda dalka Masar iyo Saanad Milateri oo shalay gaartay caasimadda Muqdisho.Wararka ayaa sheegaya...

Hay’adda Duulista Somaliya oo Akoon Lacagaha loogu shubo ka furatay Imaaraadka iyo Qeylo-dhaan..

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) ayaa Akoon gaara ka furatay Banki ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo uu mas'uul uga yahay qof ajanbi ah...

XOG: Labo Qodob oo la isku mari waayay Wadahadalkii Somaliya iyo Turkiga oo ku dhawaaqay…

Wadahalladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa la isku mari la' yahay qodobadii ugu horeeyay, iyadoo uu shirku xirmay...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you