Thursday, April 24, 2025

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay oo Xafiiska UNSOM Dib ugu soo celiyay Ergeygii Xilliga Farmajo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa mar kale dib u magcaabay James Swan inuu noqdo sii-hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa loo igmaday inuu mar kale hoggaamiyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kadib markii dowladda Federaalka dalbatay in la xiro dhammaadka sanadkan, isla markaana ay xilkan ka dhammaaday Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

James Swan ayaa ah diblomaasi hore oo aqoon leh siyaasadaha Afrika, ayaa hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022, isagoo la soo shaqeeyay dowladii Farmaajo iyo Doorashadii muranka dhalisay ee 2022.

Ad

Wuxuu kaloo oo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka Congo sanadihii 2013 illaa 2016 iyo sidoo kale soo wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON