Friday, May 17, 2024

Sida loo khaarijiyay G/Dhexe Aadan Biid, Cidda ka dambeysay iyo Siyaasiyiin ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal Dil khaarijin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay Gaashaanle Dhexe Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biid) oo ahaa sarkaal sare oo ka tiran ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dilka ayaa xalay ka dhacay agagaarka xarunta Iskuul Buluusiya oo ah goob si weyn loo ilaaliyo oo ciidamada Amniga dowladda ku sugan yihiin, waxaana toogtay koox Bistoolado ku hubeysan oo la sheegay inay baxsadeen.

Ciidamo Booliiska dilka sarkaalka kadib goobta ka sameeyay howlgal, balse lama sheegin cid loo qabtay iyo faahfaahin ku sabasan sida dilka u dhacay, iyadoo su’aalo badan ka dhasheen arrintan.

Ad

YAA KA DANBEEYAY DILKIISA?

Alshabaab ayaa sheegatay khaarijint G/Dhexe Aadan Cumar, waxayna ku tilmaameen inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa qeybta tababarada xarunta Booliska ee Iskuul Buluusiyo, isla markaana uu hore u soo noqday Taliyaha booliska saldhigga Baydhaba iyo taliyaha Booliska ee degmada Cabdicasiis.

MAS’UULIYIIN IYO SIYAASIINTA KA HADASHAY

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu horey ka tacsiyadeeyay geerida Gaashaanle Dhaxe Aadan Biid oo kasoo jeeda degaanada K/Galbeed, isagoo sheegay inuu Qaranka Soomaaliyeed muddo dheer usoo shaqeeyay.

Madaxweynihii hore xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa isna tacsi u diray umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan caruurtii iyo qoyskii uu ka baxay Allaha u naxariistee Kornayl Aadan Cumar (Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska.

- Advertisement -

Dhinaca kale mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin badan ayaa baraha bulshada uga tacsiyadeedyay Marxuum G/Dhexe Axmed Biid.

BAARITAANKA KIISKA

Ciidamada Amniga dowladda Somaliya ayaa bilaabay baaritaanka falka lagu dilay Sarkaalka sare ee ka tirsanaa Booliska, balse Booliska iyo Hay’adaha Amniga weli kama hadlin kiiska dilka iyo sida uu ku dhacay.

Su’aalo badan ayaa ka dhashay goobta dilku ka dhacay iyo sida ay ugu suuragashay inay baxsadaan dableyda dilka geysatay, waxaana hadda la wada sugayaa tallaabada ay qaadi doonaan Hay’adaha Amniga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON