Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Goor dhoweyd ku dhawaaqday xukun ay ku riday eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan iinuu gubay Xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawaca Dabka.
Go’aanka waxaa akhriyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Siciid Cali Maxamed, wuxuuna ku dhawaaqay in eedeysane Sayid Cali Macallin lagu xukumay Dil toogasho ah, iyadoo si rasmi ah ugu raacday go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Kadib Afar fadhi oo ay Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir yeelatay, laguna dhageystay markhaatiyaal cusub ayuu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ka dalbaday Maxkamadda inay Dil toogasho ah ku xukunto, halka Qareenada eedeysana ay doodayaan in meesha laga saaro xukunkii hore.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa hore Dil toogasho ah ugu xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud markii ay ku heshay inuu si ulakac ah u gubay xaiiskiisa, balse Qoyska Eedeysanaha ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas.