Tuesday, October 3, 2023

Soomaaliga mar kale noqday Wasiir Muhiim ah oo ka tirsan Xukuumadda Canada

Xukuumadda dalka Canada ayaa isku shaandheyn lagu sameeyey, iyadoo Ra’iisal wasaarah dalkaasi Justin Treadue uu Golahiisa wasiirrada ka saaray wasiiro qaar kalena kusoo daray.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada ayaa arrintan ku dhaqaaqay, kadib markii eedeyn loo jediyay xaaladda maciishada dalkaasi, waxaamna uu sheegay inuu wax ka qabanayo nolosha sii qaaliyoobeysa iyo hoos u dhaca dhanka dhaqaalaha ee dalkaasi wajahayo.

Waxaa xilalkii laga qaaday 7 wasiir, balse waxaa mar kale wasiir ku soo baxay Soomaaliya kaliya ee dalkaasi wasiirka ka ahaa sanadihii ugu danbeeyay.

Ad

Axmed Xuseen oo ah Somali-Canadian can ka ah dalkaasi mar kale loo magacaabay wasiir, wuxuuna noqday Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Kanada oo ah xil muhiim ah.

“Maanta, waxaan noqday Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Kanada. Sharaf ayay ii tahay inaan ku shaqeeyo kaalintan, waxaana rajeynayaa inaan sii wadi doono shaqada muhiimka ee Kanada qabaneyso heer caalami”. ayuu yiri wasiir Axmed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!