Friday, May 17, 2024

Beesha Caalamka oo si buuxda u taageertay Doorashada Tooska ah ee Puntland

Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa si buuxda u taageeray Doorashada Tooska ah ee la filayo inay ka dhacdo Maamul Goboleedka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ka hor doorashooyinka goleyaasha degaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, ay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ku bogaadinayaan Shacabka Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga go’an tahay inay ka miro dhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.

“Saaxiibadu waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah”.

Ad

Beesha Caalamka waxay ku dhiirigelisay dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto khilaafaadka imaan kara, iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

“Saaxiibdu waxay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed. Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya”.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha dowlada Federaalka ayaa hore uga digay in doorashada aan heshiiska lagu ahayn ee Puntland ay keeni karto qalalaase uiyo burburka Puntland, laakiin go’aanka beesha caalamka ayaa weji gabax ku noqonaya go’aankaasi.

- Advertisement -

Waxaa baaqan soo saaray: Howlgala Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON