Thursday, May 2, 2024

Faahfaahin laga helay Duqeyn Mareykanku ka fuliyey Xarunta Alshabaab ee degmada Jilib

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa duqeyn 20-ka Bishan May ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe oo ay qaadeen ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqaynta oo ka dhacday magaalada Jilib oo ka mida xarumaha waaweyn ee Alshabaan ayey shalay uun shaacisay Warbaahinta dawladda federaalka Soomaaliya sheegtay in lagu beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, iyadoo ay jiraan khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

Qasaraha weerarka ayaan weli la sheegin, wuxuuna weerarku yimid kadib markii Alshabaab shirweyne madaxdooda ka qeyb gashay oo uu ka dhex muuqday Amiirkooda ku yeelatay degaan la tuhunsan yahay inuu ka mid yahya Jubbooyinka.

Ad

Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyey jiritaanka duqeynta ka dhacday degmada Jilib Sabtidii 20-ka bishan, waxaana lagu sheegay in dad rayid ah aysan waxba ku noqon, balse laguma xusin qasaaraha weerarka ka dhashay.

Alshabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin duqeynta ka dhacday degmada Jilib, inkastoo ay dhacday maalmo ka hor.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON