Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa loo xiray arrimo la xiriira Musuqmaasuq iyo Lunsasho Hanti dadweyne.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in Xafiiska uu soo xiray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan canshuuraha Berriga, kuwaas oo ku eedaysan Xatooyo Xoolo dadwayne iyo sameysasho Dokumentiyo Dawladeed oo been abuur ah sida boonooyin Lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.
Xubnaha la soo qabtay oo heer degmo ah ayaa kala ah: Khasnajiga Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda iyo Madaxii hore Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda haddana ah madaxa Canshuuraha Berriga ee Degmada Xamar Jajab & Sarkaal kale.
”Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu u gudbin doonaa eedaysanayaasha maxkamadda awoodda u leh marka ay soo dhamaato baarista kiiska loo haysto si loo horkeenno cadaaladda ayaa lagu yiri” Qoraalka ilaaliyaha Qaranka.
Dhowaan ayey ahayd markii Taliska Booliska Gobolka Banaadir uu shaaciyey in la xiray mas’uuliyiin ka howlgalayey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ku kacay musuqmaasuq, iyadoo aan weli Maxkamad lasoo taagin.
