Wednesday, May 22, 2024

Wasiirka arrimaha gudaha oo la ciiday C/weli Gaas iyo shacabka Garoowe: SAWIRRO

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Somalia Cabdi Saciid Faarax Juxaa ayaa magaalada Garowe kula ciiday shacabka degmadaasi, iyadoo salaadii ciida ay ku tukadeen garoonka ciyaaraha Mira Awaare.

C/weli Gaas ayaa hambalyo u diray shacabka Puntland isagoo si gaar ah ugu mahad celyam ciidamada amniga oo uu sheegay inay suurageliyaan in si nabad ah lagu ciidi.

”Ciid mubaarik, Ciid mubaarik, waxaan u hanbalyay nayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba, waxaan si gaara ugu hanbalyay nayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo inoo suura geliyey inaan midnimo ku ciidno, nabad isugu nimaadno, farxadna ku ciidno, Puntland waa amni Illaahay fadligiisana ayay ku ahaatay, dabcan inbadan oo ku dedaashay waa ay jirtaa in Puntland nabad ahaato dawladd iyo shacabba iyana waa ay mahadsan yihiin shaqadaa ay qabteen” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ad

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Saciid Faarax Juxa oo munaabadda ciida kala qaybgalay shacabka Garowe ayaa hambalyo u diray ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, wuxuuna ku adkeeyay inay adkeystaan amniga iyo xasiloonida ay haystaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON