Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay xabsiga dhigeen Nin dhallinyarro ah oo ka qeyb galay bannaanbax looga horjeeday xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Sayid-Cali Macallin oo xaaskiisa ku gubay Muqdisho.
Ninkan oo lagu magacaabo Liiban Khaliif Abtidoon ayaa maalmo kahor magaalada Muqdisho ka abaabulay bannaanbax, isagoo baraha bulshada ku baahiyay hadallo kicin dadweyne ah oo saabsanaa kiiska Sayid-cali.
Wararka ayaa sheegaya in Ninkan uu ka mid yahay Sayidcali Macalin Daa’uud wuxuuna bannaanbax kaa sheegay in dowladda Somaliya ridayaan haddii wiilkooda la toogto.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Liibaan Khaliif uu ku eedeysan yahay fal liddi ku ah amniga guud iyo kicin bulsho, iyadoo shacabka ah uga digay kicinta bulshada iyo rabshado abuurka.
Shalay ayey ahayd markii Booliska magaalada Muqdisho uu xir xiray dhallinyaro caan ka ah bata Tiktok oo lagu eedeeyay iska horkeen bulsho iyo qabyaalad abuur.