Madaxweyneyaashii hore ee Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo hadda isbaheysi siyaasadeed leh ayaa digniin culus u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ka hor-yimid war murtiyeedkii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.
Qoraallo ay si kala gaara u saareen labada Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo isku ujeedo ahaa ayey ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu wado afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya dowlad dhiska iyo midnimada dalka.
Sidoo kale waxay ku baaqeen in xal degdega loo helo maqnaanshaha maamulka Puntland ee Golaha Wadatashiga Qaran oo ay sheegeen in go’aanadiisa ay wadar-oggol yihiin.
Sheekh Shariif iyo Farmaajo waxay Doorashada uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaameen inay tahay mid gurracan, iyagoo ka digay in la sameeyo hannaan doorasho iyo guddiyo doorasho oo aan la isku raacsaneyn, taasoo dhalineysa qalalaase siyaasadeed.