Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa sameeyay isku shaandheyngii ugu horeysay ee saraakiisha hay’adda NISA.
Wararka ayaa sheegaya inuu Sanbaloolshe xilkii ka qaaday Taliyihii Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir Muxyadiin Warbac, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Cabdifataax Shaaweeye oo hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir.
Dhinaca kale Sanbaloolshe ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay Xamdi Xasan, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Cabdulqaadir Xaayow.
Taliyihii hore ee Nabadsugidda Gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac ayaa loo dalacsiiyay Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda NISA oo ah xil u dhigma taliye ku xigeen.