Thursday, October 10, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 4 Bilood Gudahood Socdaalkii Afraad ku jooga Dalka Kenya

Madaxweynaha Soomaailiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana Madaxtooyada Nairobi ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Socdaalkan oo ah kii afraad oo Xasan Sheekh ku tego dalka Kenya afar bilood gudahood ayaa su’aalo badan dhaliyay, balse Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya Wililam Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Wadashaqeynta aan la leeyihiiny dowladda Soomaaliya ay tahay mid miro dhal ah. “Gobolka waxaa ka muuqda nabad iyo xasillooni ballaaran. Waxaa naga go’an inaan kobcino xiriirkan”.” ayuuna yiri.

Ad

Waa Safarkiisii saddexaad oo Xasan Sheekh si xiriir ah muddo 30 maalmood gudaheed ah ku tagayo magaalada Nairobi, isagoo Bishii hore ee April kaliya halkaasi tegay laba jeer. waxaa sidoo akle dhowaan dalka kenya booqasho muddo toddobaad ah qaadatay ku tegay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wararka ayaa sheegaya safarka Xasan Sheekh ee maanta uu ku saabsan yahay booqashada Madaxweynaha Kenya William Ruto ku tegi doono Mareykanka 23 bishan May.

28 April 2024 – Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Nairobi ka qayb-galka Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka.

- Advertisement -

11 April, 2024; Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar shaqo ku tegay dalka Kenya.

28 Febraayo 28, 2024; Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay magaalada Nairobi halkaas oo uu kala qeyb-galay shirka Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON