Dowladda Iran ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Geerida Madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Riaisi, Wasiirkii arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ku dhintay markii ay la dhacday Diyaarad Helikobtar ah oo ay la socdeen.
Telefishanka dowladda Iran ayaa shaaciyay warka Geerida Madaxweynaha iyo dhammaan 8-qof oo la socday, taasoo ka danbeysay markii howlgal socday muddo 15 saacadood ah kadib oo burburkii diyaaradda saaka laga helay goob Buuraley ah.
Madaxweynihii Iran, Wasiirkii arrimaha dibadda dalkaasi Hussein Abdilahyan iyo mas’uuliyiin sare ayaa ka mida dadka ku dhintay shilka diyaarada, iyadoo baadi goobka diyaaradda ay ka qeyb qaadatay diyaaradda Drone-ka ee Turkiga.
Meydadka dhammaan mas’uuliyiintii la socday diyaaradda Helikobtarka ayaa la helay, iyadoo loo dhoofinayo magaalo u dhow goobta shilku ka dhacay, kadibna la geyn doono caasimadda Tehran.
Guud ahaan dalka Iran ayaa ka bilowday tacsi iyo baroordiiq loo sameynayo Madaxweynihii dalkaasi iyo mas’uuliyiintii la socday, waxaana xilka sii heyn doona Madaxweyne ku xigeenka, balse waxaa dalkaasi ugu sareeya hoggaamiyaha Diiniga ee Aayatulah.