Waxaa dalka Iran ka socda raadinta Madaxweynihii dalka Iran Ebrahim Raisi iyo wasiiro ka tirsan dowladiisa oo diyaaradii ay la socdeen ee nooca Helikobtarka ah si degdeg ah ugu Gobol Buuraley ah.
Wakaalada wararka dalka Iran ayaa sheegtay in cimilo xumo iyo jawiga oo liita ay sii adkeysayo dadaalada samata bixinta ee socda, waxaana weli la helin diyaaradda Madaxweynaha oo xaalad qabsatay darteed u degtay.
Madaxweynaha Iran ayaa u safray gobolka bariga dalkaasi ku yaalla ee Azerbaijan. Telefeshinka dowladda Iran ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Julfa oo ku taalla xadka dalka Azerbaijan oo 600 KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan caasimadda Tehran.
Madaxweynaha waxaa l asocday mas’uuliyiin badan oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada Iran Hossein Amir Abdollahian, gudoomiyaha gobolka bariga Azerbaijan ee Iran iyo masuuliyiin kale.
Ma cadda xaaladda madaxweynaha Iran oo 63 jir ah, waxaana gurmadka lagu raadinayo ku biiray ciidamada dalkaasi iyo dad is xilqaaday oo fanashada Buuraha ku xeeldheer, iyadoo dadka dalkaasi loogu baaqay inay u duceeyeen Madaxweynahooda.