Sunday, February 16, 2025

Toogasho ah oo lagu xukumay Nin Shabaab ah oo khaarijin ku dilay Hooyo Danyar ahayd

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay nin lagu helay Alshabaabnimo iyo dilka haweeney da’ ah oo danyar aheyd.

Ibraahim Aadan Maadeey ayey Maxkamaddu ku xukuntay Dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed, sida uu maanta shaaciyey Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ninkan ayey ciidamada Amniga qabteen, isagoo Bistoolad wata oo ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay, wuxuuna sheegay inuu Alshabaab uga biiray degmadd Jillib ee Gobolka Jubbada Dhexe, lana siiyay tababarka Dillalka Qorsheysan ah, iyadoo loo diray inuu Muqdisho.

Ad

Waxaa 2-da Janaayo 2024 la qabtay markii uu madaxa ka toogtay marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo ku sugneyd gurigeeda Degmadda Hodan, Gaar ahaan Waaxda Kacaan, wuxuuna iska dhigay qof haraadsan oo Biyo u baahan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON