Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax miino lala beegsaday Gen. Xassan Maxamed Jaamici oo ka mida taliyeyaasha ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya.
Qaraxa oo loo adeegsaday Miino ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu dhaawac culus kasoo gaaray Jeneraal Xasan Jaamici, iyadoo ay dhimasho iyo dhawac ku noqdeen askartii la socotay Jeneraalka.
Jeneraalka oo hore u soo noqday taliyihii hore ciidanka qeybta 21-aad ee ciidamada xooga dalka ayaa ka howglayey Gobolka Galgaduud, waxaana dhaawiciisa la dhigay isbitaalka Digfeer oo lagula tacaalayo.
Wararkii ugu danbeeyay xaaladda jeneraalka ayaa sheegaya in dhaawiciisa uu halis yahay, isla markaana dhaqaatiirta dadaal ugu jiraan sidii ay ula tacaali lahaayeen.
Waxaa qaraxa ku dhintay C/naasir Xasan Diini Geedi iyo askar kale oo oo ka mid ahaa ilaalada Jeneraalka, lana socday gawaarida galbinayey Jenaraal Xasan Jaamici.