Waxaa goor dhoweyd dalka Iran laga shaaciyay in Madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Riaisi iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Azerbaijan.
Diyaarad Helikobtar ah oo ay la socdeen wafdiga Madaxweynaha Iran ayaa la waayey Galabnimadii shalay, waxaana howlgal socday muddo 15 saacadood ah oo lagu baadi goobayay Diyaaradda Madaxweynihii Iran ugu dambeyn saaka laga helay goob Buuraley ah, iyadoo lagu dhawaaqay inay dhinteen dhammaan dadkii saarnaa Diyaaradda.
Madaxweynihii Iran, Wasiirkii arrimaha dibadda dalkaasi Hussain Abdilahyan iyo mas’uuliyiin sare ayaa ka mida dadka ku dhintay shilka diyaaradeed, waxaana baadi goobka diyaaradda dhacday ee Madaxweynaha Iran ka qeyb qaaday diyaaradaha Drone-ka ee Turkiga.
Telefishinka dowladda Iran ayaa iminka shaaciyay in wax nolol ah aan loogu tegin burburka diyaaradda uu la socday Madaxweynihii dalka Iran Ibrahim Ra’isi, kadib markii ay goobta gaareen kooxihii ugu horeeyay ee gurmadka.
Guud ahaan dalka Iran ayaa galaya tacsi iyo baroordiiq loo sameynayo Madaxweynihii dalkaasi iyo mas’uuliyiintii la socday oo gebi ahaan ku geeriyooday burburka diyaaradii Helikobtarka ahayd ee ay la socdeen.