Friday, May 17, 2024

Wasiir Jabuutiyaan ah oo jawaab kulul ka bixiyey Eedeyntii Wasiir Dubbe u jeediyey Dowladda Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtay warkii shalay kasoo yeeray xukuumadda xilgaarsiinta Federaalka ee uu jeediyey Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ee dalkaasi ku eedeeyay inuu wado qorshe ka dhan ah madax bannaanida Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa qoraal uu ugu Jawaabay Wasiir Cismaan Dubbe ku sheegay inaad uga xun yihiin, niyadna uu ku ahaa in lagu eedeeyo xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya.

“Aad ayaan uga xumahay inaan maqlo wasiir sare oo ka tirsan Soomaaliya oo ku celcelinaya mar labaad eedeymo been abuur ah oo ah in dowladda Jabuuti ay qorshe ka leedahay xiisadaha siyaasadeed ee hadda ka jira Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti llyaas Muuse.

Ad

Wasiir Cismaan Dubbe ayaa shalay War degdega ka akhriyey TV-ga dowladda, isagoo uga digay dowladaha Kenya iyo Jabuuti inay faragerlin ku sameeyaan go’aankii Golaha Amniga ee Midowga Afrika ka qaatay xaaladda Soomaaliya.

Waa markii labaad ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya ay eedeyn u jeediso dowladda Jabuuti, taasoo Soomaaliya ka dhigtay mid meel cidla ah taagan dhinaca diblomaasiyadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON