Thursday, May 2, 2024

C/raxmaan Ceynte: “Laba wadiiqo oo kala daran ayaa u furan kelitaliye Maxamed C/llaahi Farmaajo..”

Wasiirkii hore ee Qorsheynta C/raxmaan Yusuf Ceynte ayaa si aan horel oo arag uga hadlay xaaladda madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Kalitaliye Mohamed Abdullahi Farmaajo muddo toddobaad gudihiis ah wuxuu ku dhacay bohoshii ugu weyneyd. Kaddib markii uu si sharci darro ah labo sano ugu dhufsaday, wuxuu damcay inuu ka dhex kalluumeysto Midowga Afrika, si loogu xalaaleeyo boollida uu dhacay” ayuu yiri Wasiir Ceynte oo luuqad adag kula hadlay Farmaajo.

Wuxuu sheegay inuu xalay soo xirmay albaabkii Midowga Afrika, iyagoo codkooda ku biiriyey caalamka intiisa kale (USA, EU, UK & UN); wuxuuna intaas ku daray inay Farmaajo hadda u furan tahay inuu kala doorto laba jid oo kala darran.

Ad

“Laba wadiiqo oo kala daran ayaa u furan: Inuu kusii socdo dhabbaha qar iska xoornimada, sheegtana inuu yahay madaxweyne sharci ah. Taas waxaa ka dhalan doonta in isaga iyo xertiisa toos loo beegsado, cunaqabateyn iyo curyaamin kale la dul dhigo. iyo Inuu is-casilo, kaddib marka uu garowsado tabar darradiisa” ayuu farriintiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladii Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha ka ahaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON