Friday, May 17, 2024

Wasiir Cabdi Faarax Juxa oo xafladii xil wareejintiisa Farriin culus u diray Farmaajo & Kheyre [Daawo]

Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka  ee xilka laga qaaday Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay inay koox kaliya aysan Soomaaliya isku koobi karin oo keligeed og meesha loo guurayo.

Isagoo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ayuu farriin cad u diray hoggaanka dowladda Federaalka ee madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre  isagoo sheegay in loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho, wuxuuna adeegsaday ereyada Wadaad iyo Qarandumis.

Wasii Juxa ayaa farriintiisa ugu danbeysay ee xil ka tegistiisa ka dhigay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka waxba ka qaban karin. “Intii burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama Qaran-dumis” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa oo dhowaan xilka laga qaaday.

Ad

HOOS KA DAAWO KHUDBADDA WASIIRKII HORE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON