Friday, May 17, 2024

Wasiir Beyle oo caddeyn ka bixiyey Lacag Deyn ah oo 2021 Somaliya ka qaadatay Hay’adda IMF

Sii-hayaha Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maalintii labaad wajahay su’aalo adag oo ku saabsan Miisaaniyaddad dalka iyo sida loo maamulo, iyadoo laga doodayo Miisaaniyadda 2022 iyo dooda ka taagan xisaabxirka miisaaniyadihii 2017 ilaa 2021.

Su’aalaha soo noqnoqday ee maalintii labaad Wasiir Beyle la weydiiyay ayaa waxaa ugu muhiimsan Mashaariicda Miisaaniyadda ku jira iyo sida loo maareeyo iyo arrinta lacag laga helay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyadoo la isku qabtay inay deeq tahay iyo inay Deyn ku tahay dalka.

Wasiir Beyle iyo Agaasimaha Miisaaniyadda Wasaaradda ayaa ka jawaabay su’aalaha, balse waxay xildhibaannadu ku celceliyeen in jawaabaha Wasiirka aanay caddeyn, iyadoo su’aalo badan soo noqnoqdeen.

Ad

Waxaa mar kale su’aalo weydiinta Wasiir Beyle kusoo biirtay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin oo Sii-hayaha wasiirka Maaliyadda weydiisay, sharciga ay tahay in Amaah lagu soo qaato, haddii dalku deyn soo qaatay iyo in dalku xilligan Deyn ku jiro..?

“Lacagta SDR si ay deyn u noqoto Shuruud ayey leedahay, haddii aysan waqti lagu bixiyo lahayn waa garant, wax u dhaxeeya labada ayaa jira.. SDR waa lacago loogu talogalay dalalku markii ay qalqiil galaan, waa markii labaad oo IMF ay lacagtaasi bixiso… markii aad hesho ayaa la bixiyaa lacagtaasi.. Bishii Ogost 2021 ayaa lacagtaasi la qeybiyey, dalkii xaguu joogay markaas, xagee xildhibaanno joogeen, dalkan in la badbaadiyo ayaa lagu talogalay iyo inaysan lacagtaasi na sevgin, aan qaadano lacagtaasi, Baarlamaanka u horeeyana hala geeyo, waxaan diyaar la nahay xisaab celinteeda.. Lacagtaasi anigu ma oran marna lacagtaasi waa Grant…” ayu yiri Wasiir Beyle oo ka jawaabay lacagta SDR ee Soomaaliya ka heshay IMF.

Wasiirka ayaa caddeeyay in Lacagtaasi ay tahay mid la bixinayo markii ay dowladdu hesho lacagtaasi ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay IMF, ayna ahayd samatabixin, iyadoo ay caddaatay in lacagtaasi ay tahay Deyn Soomaaliya laga rabo xilligii ay bixisaba.

- Advertisement -

Lacagta muranka dhalisay ayaa gaareysa 150 Milyan oo Dollar, waxaana saaran lacag dulsaar ah, waxaana su’aalo badan ka keenay xildhibaannada oo caddeeyay in Lacagta la qaatay ay ahayd Deyn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON