Friday, May 17, 2024

Taliyaha Jabhadda Tigray oo Digniin culus soo saaray (Gobolka Tigray ma ka go’i doonaa Itoobiya..?)

Taliyah ciidamada Jabhadda ee Tigray Gen.Tsadkan Gebretensae ayaa digniin culus u diray dowladda Itoobiya, isagoo sheegay sida kaliya ee ay dagaalka ku joojin karaan iyo rabitaankooda mustaqbalka.

Tsadkan Gebretensae ayaa ku dhaartay inay sii wadayaan dagaalka inta xayiraadda saaran gobolka Tigray laga qaadayo iyo inta ay dowladda federaalka Itoobiya ka aqbaleyso shuruudaha ay ku xireen xabad joojinta.

Jeneraal Tsadkan Gebretensae wuxuu caddeeyay in dagaalyahanada Tigray aysan ka bixin doonin dhulka ay dhowaan ka qabsadeen Gobollada Cafarta iyo Amxraada inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah xoreynta dhulka Tigray oo dhan.

Ad

Wuxuu kaloo sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay weli ku sugan yihiin qeybo ka mida Tigray, balse ay dagaal uga saari doonaan haddii si iskood ah aysan uga bixin dhulka Tigray.

Jeneraalka wuxuu intaas ku daray in mustaqbalka gobolka Tigray uu ku xiran yahay afti laga qaado shacabka, kadib marka ay heshiis siyaasadeed la galaan dowladda Itoobiya, ayna go’aansan doonaan masiirkooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON