Sunday, May 19, 2024

Shirkad Imaaraad ah oo Duulimaadkeedii ugu horeeyay ka bilowday magaalada Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u billowday duulimaad toos oo ah oo noqonaya Dubai-iyo-Muqdisho.

Diyaaraddii ugu horreysay ee shirkadda, oo nooceedu yahay Boeing 737 Max ayaa maanta timid Garoonka diyaraadaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo rakaabkeedii ugu horeeyay ka qaaday Dubai, isla markaana geysay caasimadda Somalia.

Sidoo kale duulimaad kale oo ku socda Dubai ayaa ka bixi doona caasimadda Soomaaliya isla galabta.

Ad

Shirkadda ayaa 14-kii Febraayo 2023 ku dhowaaqday billowga duulimaadyada tooska ah ee Dubai-Muqdisho, oo toddobaadkii shaqeyn doona hal maalin. Shirkadda ayaa sheegtay in laga billaabo 1-da June ay duulimaadyada ka dhigi doono laba maalin toddobaadkii.

Waa magaalada labaad oo Soomaaliya ah oo ay shirkadda ay duulimaad ku tagto. Flydubai ayaa horey u tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Billowga duulimaadyada Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshe ay shirkadda ku ballaarineyso duulimaadyadeeda Afrika. Waxay hadda ka howlgashaa oo ay u duushaa magaalooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.

- Advertisement -

Shirkadda Fly Dubai ayaa ah shirkad qiime jaban oo ay leedahay xukuumadda Dubai, waxayna isaga gooshtaa qaaradaha Afrika, Asia iyo Yurub, iyadoo ilaa 114 garoon gaara dunida oo dhan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON