Sunday, February 16, 2025

Guddiga Tartanka Shirkadaha Xajka oo Shuruudo Adag soo saaray (Akhriso 15 Qodob)

Guddiga uu magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mukhtaar Roobow Cali ee Tartanka Adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa soosaaray shuruuradaha laga rabo shirkadaha doonaya u tartamida u adeega Xujeyda Soomaaliyeed.

Shuruudaha oo kuwa aad u adag, ayaa loo dhigay shirkadaha sanadkan doonaya inay bixiyaan Adeegga Xajka ee sanadkan, iyadoo lagu caddeeyay in ciddii kasoo bixi weyda shuruudahaasi aanay ka qeyb geli doonin tartanka.

HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA LOO DHISAY SHIRKADHA ADEEGGA XAJKAXajka.

Ad

1- Soo gudbinta Codsiga ka qeybgalka Tartanka adeegga Xajka, 1444/2023. 00 qoraal ah.

2- In Milkiiliyaasha Shirkadaha ay yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.

3- Soo gudbinta warbixin kooban (profile) oo ku aadan sooyaalka iyo canaawiinta Shirkada, Xamladda ama Wakaaladda kuna qoran Afka Soomaliga ah.

- Advertisement -

4 Soo gudbinta Xeer hoosaadka Shirkadda, Xamladda & Wakaaladda ee kasoo baxdey (Nootaayo) Ka diiwaangashan Wasaaradda Cadaaladda J.F.S.

5- Soo gudbinta Shatiga Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha J.F.S oo aan dhacsaneyn ayna tahay Magaca Xajka iyo Cumrada iyo Socdaalka sida (Xaj, Cumra, &Travel).

6- Shirkadu waa in ay ka diiwaan gashantahay Hay’adda IATA, soona Gudbiso Code Number-keeda ama ay keento warqad wadashaqeyn Shirkad ka diiwaan gashan IATA laguna cadeeyey Code Numberka (IATA). (ayaatta)

7- In Shirkadda iyo Milkiiliyaasheedu yihiin dad Sumacad leh, Maxkamadna aysan ku ridin xukun Ciqaabeed kama danbeys ah 5tii sano ee u danbeysey, soona gudbiyaan warqadda danbi-la’aanta Maamulaha Shirkadda (CID).

- Advertisement -

8- In Shirkadu leedahay Xafiis shaqeeya oo ku yaalla gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

9- Shirkad, Wakaalad iyo Xamlad walba oo daneyneysa Adeegga Arrimaha Xajka waa in ay tahay Canshuur bixiye, haysatana Shahaadada Canshuur bixinta (TCC) oo ay bixiso Wasaaradda Maaliyadda J.F.S.

10- Waa in Shirkadda aaney Magaceeda lamid noganin magaca Shirkad kale oo isla adeegyada Xajka iyo Cumrada ka shaqeysa.

11- Waa in Shirkada leedahay khibrad la xiriirta Adeegyada Xajka & Cumrada ugu yeraan laba sanno oo khibrad ah.

12- Shirkad, Wakaalad iyo Xamlad walba waa in ay keentaa Dhaqdhaqaaga Xisaab Bengiyeedka Shirkadda 6dii bilood ee u danbaysey (Bank Statements).

13- Shirkad, Wakaalad iyo Xamlad walba oo daneynaysa Adeegga Xajka waa in ay ogoshahay bixinta Lacagta Dhigaalka ah (Deposit).

14- Shirkad, Wakaalad iyo Xamlad walba oo danayneysa adeegga Xajka waa in ay ogoshahay bixinta khidmada Ujuurada Adeegga Xajka.

15- Waa in uu saxiixaa Mas’uulka Xamlada ama Shirkada Habraaca Tartanka adeegga Xajka Sanadka 1444/2023.

16- Waa in Shirkadu araajideeda nuqul ka mid ah Documenta ay kusoo dirtaa Ka qeybgalka Adeegga Xajka Habka Online ka ah, https://hajj.mera.gov.so/ nuqul kalena ayadoo baqshad xiran ku jirta ku wereejisaa gudiga tartanka adeegga Xajka.

17- Soo gudbinta Araajida waxay ka bilaabaneysaa TR: 09-03-2023, kuna eg TR:-12-03-2023).

18- Shirkadii, Xamladii iyo Wakaaladii buuxin waysa Shuruudaha kor ku xusan kama qeyb gali doonto Tartanka Adeegga Xajka 1444/2023.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON