Shirweyne wada-tashi ah oo Beesha Murusade uga socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 6-9-ka Maarso 2023 ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ku saabsan xaaladda dalka iyo dalab ay jeedisay beesha.
Go’aanada laga soo shirka Beeshan ayaa waxaa ugu weyn taageerada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dalab ah in xilka ugu sareeya Maamulka Gobolka Banaadir la kala qaado oo qeyb ka mida la siiyo beeshan.
Hoos ka akhriso Go’aannada Shirweynaha Wada-tashiga Beesha Murusade:
- Shirweynaha Beesha Murusade wuxuu si weyn u bogaadinayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Golahiisa Wasiirrada dadaallada istiraatiijiga ah ay ku bixinayaan la-dagaalanka iyo ciribtirka argagixisada manaxayaasha ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeen muddo 15 sanadood ah dhibaatooyin aan lasoo koobi karin ku hayay.
- Hoggaanka Dhaqanka Beesha Murusade ee uu ugu horeeyo Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, culimada, ganacsatada, haweenka, dhallinyarada waxgaradka iyo siyaasiyiinta waxay si mug leh u taageerayaan Ciidamaka Qalabka-sida iyo ciidamada dib-u-xoraynta ee kasoo jeeda degaanada ay argagixisado ka talinaysay muddo fog.
- Shirweynaha Beesha Murusade wuxuu isla qaadatay in si nabdoon oo shuruud la’aan ah beeshu dowrkeeda uga qaadato geedi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
- Shirweynaha Beesha Murusade wuxuu go’aamiyay in si dhow beelaha Soomaaliyeed uga wada sheeqeeyaan ciribtirka Khawaarijta iyo ilaalinta hannaanka awood qeybsiga hay’adaha dowladda.
- Shirweynuhu wuxuu go’aamiyay in si degdeg ah Khawaarijta looga xoreeyo degaanadda ay beeshu ka degto Galmudug.
- Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa xiriirka soo jireenka ah ee Beesha Murusade kala dhexeeeya beelaha ay wada degaan iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed.
- Shirweynahu wuxuu si gaar ah u bogaadinyaa xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Beesha Digil iyo Mirifle ee Koonfur Galbeed, wuxuuna go’aamiyay in si degdeg ah gogol loo dhigo ay labada beelood uga wada hadlaan xoojinta xiriirkooda.
- Shirweynahu wuxuu garowsaday tabashada Beelaha Digil iyo Mirifle ay u jeediyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
- Shirweynuhu wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbanayaa in xilka Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir la kala qaado inta Maqaamka Caasimadda go’aan looga gaarayo dib-u-eegista dastuurka ayna beeshu xaq u leedahay mid kamida.
- Shirweynuhu wuxuu go’aamiyay in la sameeyo guddi toban iyo seddax qofood ah oo ka sheeqeeya horumarrinta arrimaha beesha iyo adkaynta wadajirka Beesha Murusade.
- Shirweyaha Beesha Murursade wuxuu go’aamiyay in Shirweynaha Wada-tashiga Beesha Murusade la qabto sanad kasta mar bisha Maarso si ay uga tashato arrimaheeda masiiriga ah oo ay garab socdaan shirar qiimeyn ah oo dhaca seddedi biloodba mar
Warar Xul ah